Maxay tahay deyn dhaafiddu?
Deyn dhaafiddu waxay ka dhigantahay in laguu sameynayo qorshe lacag bixin si aad u bixisid qaar deymankaaga ka mid ah intii dhowr sano ah, shan sano marka laga hadlayo dadka shacabka ah, seddax sanana marka laga hadlayo shirkadaha. Deynka inta soo harta uma baahnid in aad bixisid.
Yaa deynka laga dhaafi karaa?
Haddii uu deyn kula degay waxaad codsan kartaa deyn dhaafid. Taasi wey khuseysaa dadka shacabka ah iyo shirkadaha labadaba.
Maxay yihiin shuruudaha deyn dhaafiddu?
- Waa in aadan sinaba ku dhiibi karin deymankaaga sanooyin badan.
- Waa in ay taasi macquul tahay marka la eego xaaladahaaga shakhsiga ah iyo kuwan dhaqaale.
- Waa in aad deggantihid, ka shaqeysid ama deymanka laguugula leeyahay Swiidhan.
- Adigaaga shirkadda aan saamiga ahayn leh waa in dhaqaalaha shirkadda ay fududdahay in la baaro.
- Waan in aan ganacsi lagaa mamnuucin.
Waa sidee sida ay wax u dhacayaan?
Marka la soo gaabiyo sidan ayey wax u dhacayaan:
- Adigoo adeegsanaya adeeggeenna elekteroonigga ah ama foom buuxinaya ayaad deyn dhaafid naga soo codsaneysaa. Haddii aad u aragtid in ay dhib badantahay – ha ku caawiyo la taliye xagga deymanka- iyo miisaaniyadda ah oo degmadaada jooga.
- Waxaan baareynaa in aad buuxineysid shuruudaha deyn dhaafidda. Haddii aad buuxisid waxaan gaareynaa go’aan hordhac ah oo ku aaddan billaabidda deyn dhaafidda iyo inta lacag ah ee aad bixin doontid.
- Waxaad billaabi doontaa in aad dhiibtid deynkaaga horbaba marka aad heshid go’aanka hordhaca ah.
- Hindise ayaan u direynaa cidda deynka kugu leh, oo ay ka jawaabi karaan. Hindisaha waxaa ku jira dhammaan deymanka kugu jira marka aad deyn bixinta billaabeysid.
- Xoogaa ka dib waxaad heleysaa go’aan kama dambeys ah kaasoo ay ku qorantahay sida deyn dhaafiddaadu ay u dhaceyso.
- Waxaad lacagta u bixineysaa si waafaqsan qorshaha deyn bixinta. Haddii aad ku nooshahay inta dhaqaale ahaan lagu noolaado inta ugu yar waxaa lagaa gaari karaa go’aan aan qorshe lacag bixin lahayn. Markaas waxba kama bixineysid deymankaaga. Waxaa taas ka reebban haddii deyn dhaafiddu ay shirkad khuseyso, markaas waa in mar walba aad lacagta u bixisid sida qorshahaagu yahay.
- Marka deyn dhaafiddu ay dhamaato, caadi ahaan shan sano ka bacdi marka laga hadlayo dadka shacabka ah ama seddax sano ka dib marka laga hadlayo shirkadaha, wax deyn ah oo deyn dhaafidda ku jiray oo kugu haraya ma jiraan.