På vår webbplats använder vi cookies som gör att ditt besök ska fungera bättre. Genom att surfa vidare godkänner du att vi använder cookies. Mer om cookies.
Deymankaaga annaga agteenna waa laga dhigi karaa kuwo qarsoodi ah. Xitaa kiisas kale oo noo kaa agyaal wey khuseyn kartaa taasi, tusaale ahaan in guri lagaa saaray (guri khasab lagaaga saaray). Markaas macluumaadka cid kasta iskama heli karto. Waxay taasi ka dhigantahay in aanan macluumaadka cid kale siineynin.
Ma codsan kartid in waxaaga sir laga dhigo. Deynka si ootomaatik ah ayaan sir uga dhegeynaa haddii shuruudaha qaar la buuxiyo. Haddii deynka laga dhigo mid qarsoodi ah waa la tuurayaa macluumaadka ay hayaan shirkadaha deymanka ka warbixiya.
Waa deymanka Kronofogden u yaalla in ay khasab ku ururiso kuwa sirta laga dhigayo. Laga billaabo 1 diseember 2018 waa la beddelay xeerarka wax sir ka dhigidda.
Shuruudaha soo socda waa in la buuxiyo si macluumaadka deynka ku aaddan sir looga dhigo:
Haddii aad waqtiigi ogeysiinta ku bixisay deynka la xiriira tusaale ahaan canshuur aan la bixin, lacagta waalidka aysan carruurtu la joogin uu bixiyo ama ganaax (deymanka dowladda) waxay macluumaadka deymankaasi mar walba ahaanayaan ku qaarsoodi an. Taasi waxay khuseysaa oo keliya dadka shacabka ah, taasoo loola jeedo dadka shacabka ah ee aan ganacsatada ahayn, waxayna khuseysaa oo keliya deymanka dowladda, degmooyinka ama maamul gobaleedyada ee annaga Kronofogden ah naga ag diiwaangashanaa 1 diseembar ee 2018.
Xeerarka sirtu xitaa wey khuseeyaan haddii ay deyman kale yimaadaan labada sano ee xigta. Haddii aad deynkaagi bixisay markii uu dhamaaday waqtigi ogeysiintu ka dib ee uu deyn kale ku galo qarinta deynkaagi hore waxay meesha ka baxeysaa ugu horreyn haddii aadan deynka cusub ku dhiibin waqtigi ogeysiinta.
Waxaa sidoo kale jira macluumaad ay hayso Kronofogden oo aan sir laga dhigi karin. Waxay kuwaasi khuseeyaan deymanka ay leeyihiin dadka shacabka ah iyo shirkadaha. Deymankaas annaga ayaa meel isla dhigeyna annagoo ka gaareyna, waxa loogu yeero go’aan xukun ah. Go’aan xukun ah abidkiis lagama dhigi karo qarsoodi.
Sidoo kale go’aannadeenna, tusaale ahaan warbixinnada ku aaddan baaritaankeenna xagga hantidaada ama go’aan ku aaddan qaan sheegashada, lagama dhigi karo qarsoodi. Go’aamada noocan ah waxaad uga fogaan kartaa in aad si degdeg ah u dhiibtid deymanka si aanan ugu baahan in aan sameyno wax baaritaan ah.
Haddii aadan shuruudaha buuxineynin deymankaagu cid walba wey u furanyihiin.
Macluumaad dheeraad ah iyo liis ay ku qoranyihiin shirkadaha ka warbixiya deymanka waxaad ka heleysaa barta intarneetka ee Datainspektionen.
Macluumaad la xiriira
Blanketter/Trycksaker
Telefonnummer till växel och kundservice:
0771-73 73 00
Måndag-fredag klockan 8-16.